2466 Views

Madoobe Nuunoow Oo Ka mid Noqday Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii Naasahablood 2

Madoobe Nuunoow Oo Ka mid Noqday Dadkii Ku Geeriyooday  Qaraxii Naasahablood 2
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29  Oktoobar 2017 —Madoobe Nuunoow Maxamed oo ahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka midnoqday dadkii ku dhintay qaraxii shalay gelinkii dambe ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka amniga Maamulka Koofur Galbeed aya au xaqiijiyay in dhinaca Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed uga dhintay weerarkaas ay hadda ka ogyihiin Madoobe oo ahaa wasiirka arrimaha gudaha.

Madoobe Nuunoow waxaa uu horay u soo noqday Wasiirka Dastuurka Dowladdii KMG ahayd ee Shariif Sheekh Axmed,waxaa uu mar sidoo kale noqday Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo ka koobnaa lix Gobol ka hor inta uusan Shariif Xasan sameysan Maamulka Koofur Galbeed ee ka kooban saddexda Gobol.

Mas’uuliyiinta kale ee Qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah Xildhibaan Hore C/Naasir Gaarane iyo Taliyihii Booliska Degmad Deyniile ee Magaalada Muqdisho.

Dad ka badan 20 Qof ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho,kaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment