3267 Views

Maxaa Ka Taqaan Taariiq Noleleedka Marxuum Madoobe Nuunoow Maxamad ?

Maxaa Ka Taqaan Taariiq Noleleedka Marxuum Madoobe Nuunoow Maxamad  ?
____________________________________________________________________________
Taariikhda dhalashada 1948  
Goobta Dhalashada Diinsoor  
Gobolka Dhalashada Bay  
Shaqadda Siyaasi  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

 Madoobe Nuunow Maxamed waxa uu 1948-kii ku dhasahay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, Soomaaliya. Waa Siyaasi muddo dheer kasoo mid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Maahayn Mudane Baarlamaan oo kaliya ee sidoo kale waxa uu lasoo shaqeeyay dowladdii militariga ahayd ee Siyaad Barre, isaga oo ururo xiligaa jiray kasoo qabtay jagooyin.

Hase ahaatee Nuunow waxa uu 1960-aadkii ku dhamestay Dugsi Hoose iyo Dhexe degmada Diinsoor ee gobolka Bay, Soomaaliya, halka intii u dhaxeysay 1970-aadkii uu Dugsigiisii Sare ku dhameeyay degmad Howlwadaag oo Muqdisho ka tirsan.

Dhamaadkii 1970-aadkii waxa uu Madoobe Nuunow ku qaatay tabarka Dugsiga Tababarka Xalane ee Muqdosho, isaga oo 1979-1980 shahaado heer iploma ah oo uu ku bartay Cilmiga Siyaasadda ka qaatay Machadka Culuumta Siyaasadda Xalane ee Muqdisho. 1983-1984 ayuu Nuunow ka qaatay Mahadkii SIDAM Diploma ah Maamulka & Mareynta.

Waaya-aragnimadiisa Nuunow waxa uu 1966-1968 ahaa xubin ka tirsaneed SYL, oo u joogtay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, Soomaaliya, iyada oo uu 1974-1976 ahaa Karaani ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu u joogay degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Intii u dhaxeysay 1976-1978 ayuu ahaa Madaxa Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha degmada Diinsoor, halka 1977-1978 uu ahaa Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada XHKS ee Diinsoor.

1980-1981 waxa uu Madoobe Nuunow ahaa Kaaliyaha 1-aad ee XHKS u qaabilsanaa degmada Sablaale ee gobolka Shabeelada Hoose, Soomaaliya, iyada oo uu sidoo kale 1981-1983 ahaa Kaaliyaha 1-aad XHKS degmada Beled Xaawo ee Gedo. 1985-kii waxa uu Nuunow noqday Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Diinsoor, halka 1987-1990 uu ahaa Xoghayaha XHKS & Guddoomiyaha degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Intii u dhaxeysay1991-1992 waxa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Samata Bixinta degmada Diinsoor, xilgii ay taagneed xaaladda adage e ka dhalatay eryiddii Taliskii Militariga ahaa ee Soomaaliya xakumayay 1969-1991-kii.1995-kii waxa uu Madoobe Nuunow Maxamed ka kid ahaa Aasaasayaashii Jabahaddii Rahanweyn Resistance Army (RRA).

Dowladdii ugu horeysay ee KMG ahayd ee la dhisay 2001ayuu Nuunow ka noqday Xildhibaan, ilaa 2012-kii ayuuna ahaa Xubin Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsaneed. Nuunow waxa uu 2004-2007  ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, iyada oo uu 2007-2008  ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, halka 2008-2009  uu sidoo kale ahaa Wasiirka Dhaliyarada iyo Cayaaraha. 2009-2010, Nuunow waxa uu ahaa Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Federalka Soomaaliya, hal sano kadibna, 2011-2012  waxa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka. 2012-2014  waxa uu ka mid ahaa Xubnihii Guddiga Farsamada ee loo dhisay Dhismaha Maamulka Koofur Galbeed.

Waxbarashada

1960-aadkii Dugsi Hoose/DhexeDiinsoor, Bay, Soomaaliya

1970-aadkii Dugsi Sare, Howlwadaag, Muqdisho, Soomaaliya

1970-aadkii Tabarka Xalane, Muqdosho, Soomaaliya

1979-1980   Diploma Cilmiga Siyaasadda ah, Machadka Culuumta Siyaasadda Xalane, Muqdisho

1983-1984   Diploma Maamulka & Mareynta, SIDAM, Muqdisho, Soomaaliya [2]

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

1966-1968 Xubin SYL, Diinsoor, Bay, Soomaaliya

1974-1976 Karaani ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Diinsoor, Bay, Soomaaliya

1976-1978 Madaxa Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Diinsoor, Bay, Soomaaliya

1977-1978 Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada XHKS Diinsoor, Bay, Soomaaliya

1980-1981 Kaaliyaha 1-aad XHKS Sablaale, Shabeelada Hoose, Soomaaliya

1981-1983 Kaaliyaha 1-aad XHKS Beled Xaawo, Gedo, Soomaaliya

1985-kii     Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Diinsoor, Bay, Soomaaliya

1987-1990 Xoghayaha XHKS & Guddoomiyaha Cadale, Shabeellada Dhexe, Soomaaliya

1991-1992 Guddoomiyaha Guddiga Samata Bixinta Diinsoor, Bay, Soomaaliya

1995-kii     Aasaase Jabahaddii Rahanweyn Resistance Armay (RRA)

2001-2012 Xubin Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan

2004-2007  Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya

2007-2008  Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

2008-2009  Wasiirka Dhaliyarada iyo Cayaaraha

2009-2010  Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Federalka

2011-2012  Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka

2012-2014  Xubin Ka Mid ah Guddi Farsamo oo Loo Dhisay Dhismaha Maamulka Koofur Galbeed

 3  March 2014: wuxuu noqdey Madxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Ee Lixda Gobol (Bay, Bakool, Sh/Hoose, Gedo iyo Labada Jubba)

3 March 2015 : wuxu Noqdey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Ee Maamulka 3 Gobol.

2016: Wuxu Noqdey  Gudoomiyaha Gudiga Abaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

30 july 2017: wuxuu Noqdey Wasiirka Arimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiistan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment