2727 Views

Meydka Madoobe Nuunoow Oo laga Dejiyay Baydhaba

Meydka Madoobe Nuunoow Oo laga Dejiyay Baydhaba
____________________________________________________________________________

Baydhabo  | QOL | 29  Oktoobar 2017 —Meydka Wasiirkii arrimaha gudaha iyo dowladaha hoos ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa laga dejiyay Garoonka Shaati Guduud ee Magaalada Baydhaba.

Madoobe waxaa uu ka mid ahaa dad ka badan 25 Qof oo ku dhintay weerarkii shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho,gaar ahaan Hotelka Naasahablood 2,ee Degmada Xamarweyne.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in aas loogu sameeyo Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,halkaas oo uu maamulka ka jira ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose.

Dad badan ayaa Meydka uga hortagay Garoonka Shaati Guduud,halkaas oo Janaaso lagula dukaday,waxaana lagu wadaa in lagu aaso degaannada Maamulka Koofur Glabeed Soomaaliya ee uu Wasiirka ka ahaa.

Weerarkii shalay ka dhacay Hotelka Naasahablood Laba,waxaa uu ka mid noqday kuw augu dhimashada badan ee ka dhaca Magaaladan Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment