2841 Views

Qaraxii Ka Dhacay Hotelka Naasa-hablood Oo Saameyn ku yeeshay Shirkii Madaxda Qaranka iyo kuwa M/Gobaleedyada Ugu Furmilaah Muqdisho .

Qaraxii Ka Dhacay Hotelka Naasa-hablood Oo Saameyn ku yeeshay Shirkii Madaxda Qaranka iyo kuwa M/Gobaleedyada Ugu Furmilaah Muqdisho .
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29 Oktoobar 2017 —Wararka aan ka helayno Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Wafdiga Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in maanta uu mar kale baaqday shirkii Madaxda qaranka iyo kuwa Maamul Gobaleedyada oo maanta la filayay in uu ka furmo Madaxtooyada Soomaaliya.

Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in shirka uu dib u dhacay waxaana laga yaabaa in uu gaaro ilaa birri ama Caawa waxaana madaxda qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada ku mashquulsan yihiin Aaska dadkii ku dhintay Weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo kulamo kale oo amniga ku saabsan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sugan waxaana la sheegay in halkaas laga qaadayo Meydka Alle ha u naxariistee Madoobe Nuunow Maxamed oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Maamulkaasi, sidoo kale Shariif Xasan ayaa booqday Xubno kale oo dhaawac oo maamulkiisa ka tirsan.

Wararka kale ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle sidoo kale lagu wado in Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho uu ku booqdo Xildhibaan ka tirsan maamulkaas oo ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay M/Muqdisho.

Madaxda Qaranka iyo Saraakiisha amaanka ayaa la sheegay in ay xiligaan ku jiraan kulamo gaar gaar ah oo dhinac amniga ku saabsan waxaana arimahaas oo dhan la sheegay in ay dib u dhigayaan Shirkii madaxda Qaranka iyo Madaxa Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu balansanaa in Maanta 10:00 Am uu ka furmo magaalada muqdisho waxaana xiligaan ilaa hada muuqan qaban qaabada iyo ifi-faallo uu ku furmaayo Shirkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment