2139 Views

Wasiirka Amniga Oo Sheegay In Ragii Dagalamey Qaarkood Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen

Wasiirka Amniga Oo Sheegay In Ragii Dagalamey Qaarkood Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29  Oktoobar 2017 —Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ay Ciidamada Gaashaan gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah Raggii weerarka ku qaaday Hotelka Naasahablood 2.

Howlgalkan ayaa soo gaba gaboobay saaka 4:00 AM (Subaxnimo),iyada oo tan iyo xilligaas Ciidamada dowladda ay dagaal kula jireen xubno ka tirsan Al-shabaab oo Qarax iyo weerarba ku qaatay Hotelka.

Ciidamada Al-shabaab ee galay Hotelka ayaa qeybta sare isugu tagay,waxaana ay Bambaanooyin ku bur buriyeen jaranjarada Hotelka taas oo Ciidamada dowladda ku adkeysay in ay gaaraan qeybta sare ee Hotelka.

Ciidamada ayaa ugu dambeyn waxaa u suuragashay in ay gaaraan iyada oo ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah Raggii dagaallamayay oo aan ilaa hadda lakala caddeyn caddadooda.

Wasiirka Amniga iyo Duqa Muqdisho ayaa la filayaa in ay saaka tagaan goobta Islamarkaana wariyayaasha kula hadlayaan halkaas iyada oo laga sugayo khasaaraha arasmiga ah ee uu geystay weerarkii xalay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment