4572 Views

Gddoomiyaha G/Shabeelada Hoose Oo La Kulmay Maamulka Deegaanka Buulo-Mareer

Gddoomiyaha G/Shabeelada Hoose Oo La Kulmay Maamulka Deegaanka Buulo-Mareer
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 30  Oktoobar 2017 —Kulankani oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amaanka ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose,iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose  Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugaan deegaanadaasi  ayaa gaarey deegaanka Buulo-Mareer halkaasi oo kulankan uu ku dhexmaray isaga, maamulka deegaanka iyo bulshada halkaasi kunool.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha iyo maamulka ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladaha guud ee ahniga deegaankaasi,iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada,waxaana siweyn looga hadlay sidii shacabka iyo maamulka ay ciidamada ugala shaqeyn lahaayeen xaqiijinta amniga iyo ka hortaga Al Shabaab.

Ibraahim Aadan Cali Najax guddoomiyaha Gobolka ayaa maalmahan waxaa uu kormeer uu ugu kuurgalaya xaaladaha guud ee amniga iyo dhaq dhaqaaq bulshada ku marayay qaar kamid ah deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose.

Dhanka kale wefdiga guddoomiyaha ayaa gaarey deeganka Golweyn waxaana safarka u ujeedkiisu yahay ukuurga, ka xaaladaha deegaanada Gobolka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment