2325 Views

Hogaamiyihii Catalonia Oo Dacwad Lagu Soo oogayo

Hogaamiyihii Catalonia Oo Dacwad Lagu Soo oogayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 30  Oktoobar 2017 —Dacwad oogayaasha dalka Spain ayaa sheegay in ay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah hogaamiyihii xilka laga qaaday ee Catalonia, Carlos Puigdemont,.

Xafiiska madaxa dacwad soo oogaha Spain ayaa sheegay in dacwadaha ka dhanka ah Mr Puigdemont lagu wado in la soo bandhigo maanta oo isniin ah.

Mr Puigdemont ayaa diiday in uu aqoonsado amarkii xilka looga qaday ee ka soo baxay xukuumadda madrid.

Labada dhinac ee kala ah xukuumadda Spain iyo hogaamiyayaasha Catalonia ayaa waxa ay kala taagan yihiin mowqifyo adadag.

Mar sii horeysay boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona iyaga oo ku baaqayay midnimada Spain.

Xukumadda Spain ayaa la wareegtay awoodihii gobolka Catalonia ka dib markii la kala diray baarlamaankii gobolka islamarkanada shaqada laga cayriyay hogaamiyahood.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment