2691 Views

Uhuru Kenyatta oO Markale Ku Guulaystay Doorashada Dalka Kenya

Uhuru Kenyatta oO Markale Ku Guulaystay Doorashada Dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 30  Oktoobar 2017 —Uhuru Kenyatta ayaa ku guuleystay mar kale Doorashada Madaxweynaha dalka Kenya, taasi oo ku celis aheyd.

Guddida Doorashada Kenya oo ku dhawaaqay natiijada Doorashada ayaa waxa ay sheegeen codadkii ladhiibtay in 98% uu helay Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha dalka Kenya, mar kalena dalkaasi hoggaamin doona.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada, Wafula Chabukati ayaa aqriyay tirada dadkii codeeyay dhammaan degaanada Kenya ka dhacday.

Waxaa xarunta Bomas ku sugan korjoogayaal caalami ah oo dunida ka kala socda, oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

Doorashada isku celiska ah ee madaxtinimada Kenya ayaa la qabtay, laakin ifafaalaha durba soo muuqanaya ayaa ah in tirada dadka u soo baxay ay aad uga yar tahay codbixintii hore ee ay baabi’isay maxkamadda sare.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment