2448 Views

Xidhibaan Faarax Shiiq Cabduqaadir oo kahadlay xiriirka Soomaaliya Iyo Imaaraadka

Xidhibaan Faarax Shiiq Cabduqaadir oo kahadlay xiriirka Soomaaliya Iyo Imaaraadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 30  Oktoobar 2017 — Siyaasadda cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta [UAE] ee ku wajahan Arrimaha Soomaaliya, waxaa ka soo baxaya is-weydiimo dhowr ah, oo ka imaanaya shaqsiyaad isugu jira siyaasiyiin, ganacsato Iyo Bulshada Inteeda Badan..

Dowladda Imaaraadka oo muddo ka badan dhowr iyo 20 sanno bannaanka ka joogay siyaasadda Soomaaliya, ayaa saddexdii sanno ee u dambeeyey la soo baxday galaangal & weji cusub, waxaanna tillaabooyinka ilaa hadda ay ku dhaqaaqday Imaaraadka ee wax la iska weydiinayo ka mid ah:

1) Hubkii ay ka soo dejisay Dekadaha Boosaaso, Kismaayo & Berbera.

2) Heshiiskii ku saabsanaa dhismaha Dekadda Berbera ee ay la gashay Somaliland.

3) Shirkii ay dhowaan Dubai isugu yeertay Madaxda Maamul Goboleedyada Magaalada Dubai.

4)Amaan Xumada Dalka Qaar kamid ah oo ay Sida lasheegay Lug Ku leeyihiin.

5)Dhaqaale badan oo ay madaxda Maamul Goboleedyadu siiyeen Si Markasta loo khilaafo Goaamada Dowladda Dhexe.

Ganacsiga Soomaaliya Yimaada waxaa marin u ah Dekadaha Imaaraadka, haddii Dekadda Muqdisho ay furanto Imaaraadka waxeey weynayeen dhaqaalihii canshuurta ee ka soo geli jiray duulaankooda, Tan kale, Turkigu dan kasta ha wate ilaa hadda wax wanaagsan ayuu ka sameeyey Soomaaliya, waana walaal soo gurmaday ..

Imaaraadka hal sheey ayeey rabaan oo keliya in ay curyaamiso xiriirka Turkiga & Soomaaliya, waxeey doonayaan in Soomaaliya ay ahaato meel gaajo ah, oo aan wax horumar ah ka jirin Markastana Ayaga Gacmaha Loo Hoorsado.

 

 

.

W/Q: Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir.

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment