4467 Views

Al-shabaab Oo La Wareegay Degaan ka Tirsan G/Shoose

Al-shabaab Oo La Wareegay Degaan ka Tirsan  G/Shoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegtay degaanka Rasadaay ee Gobolka Shabeellaha hoose kaas oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada AMISOM,gaar ahaan kuwa Uganda.

Ciidamada AMISOM ayaa isaga baxay degaankaas oo hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana markiiba la wareegay Al-shabaab.

Dadak Magaalada Baraawe ayaa sheegaya in degaankaas oo yahay mid muhiim u ah Amniga Magaalada Baraawe,Ciidanka AMISOMna ka sugi jireen Amaanka Baraawe degaankaas.

Dadku waxa aay hadda walaac ka muujinayaan in weerarro ka dhacaan Baraawe iyo degaannada u dhow dhow maaddaama Ciidamada AMISOM ee u xilsaaran amniga Baraawe ka baxeen degaankii ay Magaalada ka difaacayaeen.

Madaxweynaha SOomaaliya ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalalka deriska ah oo ay ka mid tahay Uganda si ay uga qeybqaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay dowladda qorsheyneyso iyada oo dowadda Ugandana ballan qaadday in Ciidamadeed la dagaallanka argagixisada ay ka howlgeli doonaan Somaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment