2562 Views

Axmed Madoobe Oo Madaxda Dalka Kala Hadlay Arin Muhim U ah Shacabka Soomaaliyeed

Axmed Madoobe Oo Madaxda Dalka Kala Hadlay Arin Muhim U ah Shacabka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa si weyn u dhaliilay Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay shirka madaxda uga socda Muqdisho ayaa sheegay in aanay wax micno ah lahayn in Maro guduudan madaxa iyo gacmaha lagu xirto islamarkaana, daqiiqad loo aamuso iyada oo loo baroordiiqayo dadkii ku dhintay weerarradii bishan October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Axmed waxaa uu Madaxda shirka ka qeybgaleysa ugu baaqay in ay iska kaashadaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab,islamarakaana aysan ku xadgubin diinta.

Waxaa uu su’aal ka geliyay halka ay Diinta uga jirto in maro la xirto,daqiiqadna la aamuso,taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay dhaqan gaalo oo aan Diinta Islaamka ku jirin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in maalin kasta la baroordiiqayo haddii aan la iska celin Al-shabaab,waxaana uu soo jeediyay in dowladda iyo dowlad Goboleedyada ay meel uga wada jeestaan Al-shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment