2820 Views

Ciidamo Ka Socda Nigeria iyo Sierra Lone Oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

Ciidamo Ka Socda Nigeria iyo Sierra Lone Oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Magaalada Muqdisho waxaa uu tababar ugu soo xirmay 13 Sarkaal oo ka mid ah Booliska AMISOM kana socda dalalka Nigeria iyo Sierra Lone,kuwaas oo iyana sii tababari doona Booliska Soomaaliyeed.

Tababarkan oo socday muddo 9 maalmood ah ayaa saraakiishan,waxaa ay ku baranayeen dhaqanka Soomaalida sidoo kalena waxaa ay baranayeen hannaanka bixinta tababarrada Booliska ee AMISOM.

Taliye ku xigeenka Booliska AMISOM, Christine Alalo,,ayaa sheegtay in Saraakiishan ay Soomaaliya u yimaadeen tababaridda Booliska Soomaaliya,sidoo kalena ay dabagal ku sameyn doonaan Saraakiisha Soomaalida ah ee ay tababaraan.

“waxaa ay tababari doonaan dhiggooda Soomaaliya,waxaa ay kala shaqeyn doonaa  amniga Soomaaliya,waxaana ay la shaqeyn doonaan ilaa ay si rasmi ah ula wareegaan howsha Booliska”ayuu yiri Christine Alalo,.

Taliye ku xigeenka Booliska AMISOM,ayaa sheegtay in Saraakiishan ay hal Sano oo howlgal ah ka fulin doonaan Soomaaliya sidoo kalena ay la shaqeyn doonaan Booliska Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Booliska AMISOM oo ka socda lix dal oo kala ah  Nigeria ,Sierra Leone ,Kenya, Ghana, Uganda iyo Zambia  ay ka howlgalaan Soomaaliya,kuwaas oo diyaariya Booliska Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amnigooda.

AMISOM waxaa ay dejisay qorshe ay uga baxeyso Soomaaliya,waxaana bishi December ee soo socota baxaya 1,000,ka Askarki ee ugu horreysay iyada o ay si tartiib tartiib ah ku bixi doonaan ilaa Sanadka 2020.

Waxaa kale oo ay  xustay in AMISOM aysan baxeyn inta ay ka xaqiijinayaan in Ciidamada Soomaaliya ee SNA ay ka hubinayaan in ay ku filanyihiin amniga dalkooda iyo in kale.

.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment