3849 Views

Dowlada Baxreyn oo Soomaaliya ka taageeraysa dagaalka Al-Shabaab

Dowlada Baxreyn oo Soomaaliya ka taageeraysa dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Dowladda Baxreyn ayaa shaaca qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto dagaalka lagu jiro dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasiirka Arrimaha dibada dowladda Baxreyn ayaa lagu sheegay in ay ka go’aan tahay sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dagaalka lagu jiro Argagixisadda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la kulmeyso caqabado badan oo ku saabsan dhanka Amniga.

Dowladdaha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay taageeraan Soomaaliya.

“Waxaan Caddeynaa in Soomaaliya aan ka taageeri doono dagaalka lagu jiro Al-Shabaab, waxaa naga go’aan soo celinta Xasiloonida iyo Nabadeynta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasiirka Arrimaha dibadda Baxreyn.

Hadalka kasoo baxay dowladda Baxreyn ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya Weeraro iyo Qaraxyo ay kala kulmeyso dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment