2451 Views

Kormeerayaal ka Socda 24 Dal Oo Tagaya Hargeysa

Kormeerayaal ka Socda 24 Dal Oo Tagaya Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa tagaya 60 Goobjoogaal doorasho kuwaas oo ka socda 24 dal oo Caalamka ku yaalla.

Wasiirka arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u sheegay musharrixiinta in 60 Kormeere ay ka qeyb qaadan doonaan korjoogteynta doorashada Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Kormeerayaashaas ay soo saari doonaan warbixin la xiriirta hanaanka ay u qabsoontay doorashada madaxnimada Somaliland ee dhaceysa 13ka Bisha November ee soo socota.

Guddiga doorashada Somaliland ayuu sheegay in ay hayaan xogta kormeerayaasha ka badan 60 Qof ee ka socda 24ka dal,kuwaas oo Caalamka la wadaagaya sida ay u dhacday doorashada Maamulka Somaliland.

Waxaa uu Xisbiyada uga digay in ay fadqalado sameeyaan si aan Somaliland looga gudbin aragti xun,waxaana uu ugu baaqay in taageerayaasha Xisbiyada la xakameeyo.

Ololaha doorashada Xisbiyada Somaliland ayaa ka socda degaannada Maamulka Somaliland,waxaana jira eedo loo jeedinayo xisbiyada oo la xiriira in ay mararka qaar ka gudbayaan nidaamka ololaha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment