2445 Views

Tahriibayaal ay Ku Jiraan Soomaali Oo Lasoo Badbaadiyay

Tahriibayaal ay Ku Jiraan Soomaali Oo Lasoo Badbaadiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —In Ku Dhaw 71 qof oo kasoo kala jeedda dalalka Suudaan, Suuriya iyo Soomaaliya, oo ay ku jiraan 20 caruur ah iyo 22 haween ah, ayaa laga soo badbaadiyay  Badda Aegean xilli ay ku socdaalaayeen  doon , waxaa soo badbaadiyay askarta Booliska xuduudka ee Romaaniyadda.

Dadkaan ayaa xilligii lasoo badbaadinaayeen waxa ay ku jireen xaalad adag.

Sida laga soo xigtay Kormeeraha Bilayska Qaranka dadkaani ayaa doonaayay in ay si sharci daro ah ku galaan Qaaradda yurub, waxaana la sheegay in Muddo dhowr Saacadood ah ay dhex jireen Badda.

Ilaalada xuduudaha ayaa gargaar, cunto iyo biyo ugu deeqay dadka la badbaadiyey, iyadoo dhowr saacadood ka dib ay si nabadgelyo ah ugu degeen dekedda magaalada Chios waxaana lagu wareejiyey mas’uuliyiinta Giriigga.

Tan iyo bilawgii sanadkaan, ilaalada xuduudaha Romaaniya waxay badbaadiyeen, in ka badan 1,300 oo dad ah oo dhibaato ku haysta doomaha yaryar .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment