2034 Views

Wajiga 2aad ee Shirka D.Federalka Iyo D.Goboleedyada Oo Furmay

Wajiga 2aad ee Shirka D.Federalka Iyo D.Goboleedyada Oo Furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay wajiga 2aad ee Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  iyo dowlad Goboleedyada ayaa xalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay dhinacyada ku shirsan Muqdisho ayaa isla meel dhigayay ajendaha ay kaga hadlayaan shirka u dhaxeeya labada dhinac.

Wajigan 2aad waxaa diiradda lagu saarayaa  dagaalka ka dhanka ah Shabaab,dib u eegista Dastuurka, dardargelinta hanaanka Federaalka, daadajinta hannaanka ka faa’iidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Xalay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddiyada isku dhafka ah ee Dowladda Federaalka iyo Dolwad Goboleedyada Soomaaliya,waxaana ay ka wada hadleen sidii wax miradhal ah uga soo bixi lahaayeen shirka ka socda Magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment