5247 Views

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweyne kuxigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanaka Galmudug

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweyne kuxigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanaka Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 01, 2017 — Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayay xal u helida khilaafka Galmudug, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu bilaabo waan waan uu ka dhex wado Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Wararka ayaa shegaya in kulanka Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay Mas’uuliyiintan uu horudhac u ah kulan Madaxtooyada qaban qaabineyso oo ay isku keeneyso Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmo ka hor Mas’uuliyiintan ugu yeeray inay yimaadaan magaalada Muqdisho, si wadatashi loola yeesho, isla markaana loo xaliyo khilaafka ka jira Galmudug.

Khilaafka ka dhex bilowday maamulka Galmudug ayaa ka dhashay go’aankii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana go’aankaas ka hor-yimid Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

ZZZZZZZZZZZZ22222222222

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment