2652 Views

Kenya oo Al-Shabaab ku eedeysay afduubka dad iyo gaadiid

Kenya oo Al-Shabaab ku eedeysay afduubka dad iyo gaadiid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 01, 2017 — Saraakiisha amaanka ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in labo qof la dhaacay mid kalena la qafaashay iyada oo sidoo kalena labo gaari la ka xeystay kaddib labo weerar oo ka dhacay Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Mandheera Fredrick Shisia,ayaa sheegay in Gaari nooca Toyota Hilux, ah laga qafaashay inta u dhaxeysa degaannada Fiino iyo Sheekh Barrow,iyada oo dhinaca Soomaaliya lala aaday.

Wadaha Gaarigaas ayuu sheegay in uu la hadlay Xaaskiisa,una sheegay in uu ku suganyahay meel ka mid ah Soomaaliya islamarkaana uu badqabo.

Weerarkaas waxaa uu dhacay Isniintii gelinkii dambe,Gaariga ayaa ka soo baxay Degaanka Mandera, waxaana uu ku sii jeedau degaanka Lafeey.

Weerarka labaad ayaa isla xilligaas lagu qaaday Gaari nooca Land Cruiser, oo ay saarnaayeen 5 Qof iyo wadaha gaariga,muran kaddib labo ka mid ah dadkii la socday Gaariga ayaa la dhaawacay kaddib markii ay Rasaas ku fureen Ragga weerarka geystay.

Gaarigan ayaa isna laga qafaashay degaanka Carabiya,inkasta oo Wadaha iyo labo qof oo kale la sii daayay,haddana waxaa maqan saddex Qof iyo Gaariga,Weerarkaas ayaa isna lagu qaaday Gaari ku sii jeedau Ceelwaaq.

Mr Shisha ayaa Gaadiidleyda ka shaqeysa Ceelwaaq iyo Mandheera ka dalbaday in ay feejignaadaan,iyada oo weerarrada degaankaas ay badanayaan.

Waxaa uu walaac ka muujiyay xiriirka hoose ee u dhaxeeya dadka Degaankaas iyo Ciidamada amaanka ee dagaalka kula jiro Al-shabaab.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment