3354 Views

Muwadin Soomaali ah oo lagu dilay Masar iyo Soomaali loo xiray falkaasi

Muwadin Soomaali ah oo lagu dilay Masar iyo Soomaali loo xiray falkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 01, 2017 — Dilka Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa Habeen kahor ka dhacay Xaafadda Caashir ee Degmada Nasri City Magaalada Qaahira ee dalka Masar, Xiliga Marxuumka la dilaye waxa uu ku sugnaa Suuq Sayaaraadka sida ay Sheegeen Soomaali ku sugan Masar.

Wiilka la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay Shaakir isagoona jiray 16-sano, Waxa uu kamid ahaa Dhalinyaro la sheegay in dalka Masar ay u tageen in ay kaga sii Tahriibaan Wadamada Yurub.

Ciidamada amaanka Masar oo gaaray Halka Dilka Wiilka Soomaaliga ah uu ka dhacay isla markaana ay u badan yihiin Dadka Soomaaliya waxay dilka Marxuum Shaakir usoo qab-qabteen in ka badan 40- qof oo Soomaali ah Sida laga soo Xigtay Jaaliyadda Soomaalida ee Masar.

Ciidamada Ayaa baaritaano ku wada Shaqsiyaadka lagu tuhmayo dilka Wiilka Soomaaliga, waxayna u wateen Xarunta dambi baarista si ay kiiska Wiilkaan u helaan.

Masar waxa ay kamid tahay wadamada Soomaalida Tahriibayaasha ah ay tagaan si ay kaga sii gudbaan wadamada Yurub, Ciidamada amaanka Masaarida ayaa si feejigan ula dagaalama Kooxa wax tahriibiya iyo dhalinyarada Tahriibka ugu baxa.

Masar ayaa u muuqata in ay kusoo kordhayaan Dilalka loogu geysanayo Muwaadiniinta Soomaalida, waxaa Marxuum Shaakir kasii horeeyey dilal marar kala fog loo geystay 3-qof oo Soomaali ah oo 2-kamid ah ay ahaayeen Haween.

Ciidamada Masaaridane wali dilalkaasi ma sheegin dadkii ka dambeeyey oo ay u heleen Cadeemo, Ciidamada ayaa lagu wada kolka baaritaankaan uu usoo idlaado

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment