6690 Views

UNESCO oo soosaartay 8 Jamacadood ee ugu wanaagsan dalka Soomaaliya

UNESCO oo soosaartay 8 Jamacadood ee ugu wanaagsan dalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 01, 2017 — Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa soo saartay warbixin ku saabsan tayada Jaamacadaha ugu wanaagsan Soomaaliya.

UNESCO waxay sheegtay in 8 ka mid ah Jamaacadaasi ay yihiin kuwo ay aqoonsatay ka dib markii qiimeynta ay ku ogaatay in tayada waxbarashadooda ay tahay mid heer caalami ah.

Sida lagu soo daabacay Xogta UNESCO ee Waxbarashadda Sare (UNESCO World Higher Education Datebase) liiska Jaamacadaha ku yaalla Somalia ee aqoonsiga ka helay UNESCO.

Benadir University (BU)

East Africa University (EAU)

Mogadishu University (MU)

Puntland State University (PSU)

 SIMAD University (SU)

Somali National University (SNU)

University of Burao

University of Hargeysa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa liiska ka soo galay illaa afar Jaamacadood, halka Puntland ay ka soo galeen labo Jaamacadood, Somaliland ayaa waxaa ka soo galay labo Jaamacadood

Sida ka muuqata bogga UNESCO, Jaamacadaha ayaa qaabka xarfaha ee Alphapetical kala horeeyaan ugu jira liiska oo ah A to Z.

Halkan ka akhriso Qiimeynta UNESCO ee Jaamacadaha Soomaaliya

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment