2928 Views

CIA-da Oo Soo Bandhigtay Dukumiintiyo ay ka heleen Gurigii Usama Bin Laden.

CIA-da Oo Soo Bandhigtay Dukumiintiyo ay ka heleen Gurigii Usama Bin Laden.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 02, 2017 —CIA-da Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay xog iyo Dukumiintiyo la xiriira weerarkii ay ku qaadeen Guriga Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Usama Bin Laden.

Weerarkaas oo dhacay Bishii May 2011kii ayaa waxaa ay Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ku qaadeen Guri uu Usama Bin Laden ka degganaa Magaalada Abbottabad ee Dalka Pakistaan .

Xogtan oo ay qeyb ka mid ah horay u siidaayeen ayey qeybta 4aad  sii daayeen Shalay oo Arbaco ahayd ,waxaana xogta shalay la siidaayay ka mid ah 470,000 oo gal (File),waxaa ka mid ahaa muuqaallo ay ka midyihiin Filimada Kartoonka,kuwa Hollywoodka iyo saddex Filim oo isaga taariikh nololeedkiisa ah.

Waxaa ay horay Dadka Caalamka ula wadaagtay CIA-da saddex qeybood ooh ore,waxaana ka mid ahaa nolosha qoryska Bin laden,waxaana ugu dambeysay tii May 2015.

Agabka qeybtan laga reebay waxaa ka mid ah kuwo ay ku sheegeen in ay dhaawacayaan danaha amniga Mareykanka,kuwo la xiriira amaanka,Musuqa iyo kuwo ay CIA-du sheegtay in ay u ilaalineysi dhowrista xuquuqda cidda sameysay oo aysan fasax uga heysan baahinteeda.

Muuqaallada laga hayo waxaa ay gaarayaan 24 Muuqaal oo ay ka midyihiin Antz,,Gawaari iyo filimaan laga sameeyay rasaasta.

Warbixinnada Arbacadii shalay siideysay CIA-da waxaa ka mid ah Warqado,Muuqaallo Cajalado maqal ah,Galal iyo kuwo kale kuwaas oo ay CIA-du sheegtay in ay muhiim u yihiin in ay dadka Mareykanka ah ogaadaan.

Warbixinnada shalay la siidaayay ayaa lagu baahiyahay baraha Internetka iyaga oo asal ah kuna baxaya afka Carabiga oo aan waxba laga beddelin,waxaana ka mid ah Journaalka gaarka ahaaa ee Usama Bin Laden,18,000 oo Dukumiinti,79,000 oo maqal iyo Sawirro ah iyo in ka badan 10,000 oo muuqaal.

Xogaha hore ee ay Baahisay CIA-du waxaa ay ku sheegtay in ay ka koobnaayeen kala duwanaanshaha u dhaxeeya Daacish iyo Al-Qaacidda,khilaafka ka dhexjira hoggaanka Al-Qaacidda, isbaheysigooda iyo dhibaatada ay Al-qaaacidda wajahday xilliga weerarkii Usama lagu dilay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment