2784 Views

Dhaawacyadii Hotel Naasahablood 2 oo laga qaaday Muqdisho

Dhaawacyadii Hotel Naasahablood 2 oo laga qaaday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 02, 2017 — Wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaaasi Maanta laga qaaday dhaawacyo.

Diyaarad laga leeyahay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta 9 Qof oo ku dhaawacmay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ka qaaday garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhaawacyaddaasi daweyntooda ay balanqaaday dowladda Imaaraadka , islamarkaana la geyn doono dalka Kenya.

Isbitaallada Muqdisho qaarkood ayaa wali waxaa ku jira dad ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa bishii lasoo dhaafay, waxaa ka dhacay Qaraxyo waa weyn oo ay ku dhinteen dad badan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment