2337 Views

In Kabadan 50 Xildhibaan Oo Baydhabo Ku Saxiixday Mooshin Ka Dhan ah Shariif Xasan

In Kabadan  50 Xildhibaan Oo Baydhabo Ku Saxiixday Mooshin Ka Dhan ah Shariif Xasan
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | November 01, 2017 —Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in illaa 50 Xildhibaan ay maanta magaalada Baydhabo ku saxiixeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Shariif Xasan ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka maamulkaas iyo kan dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in xilligan Xildhibaanada iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed aanu wada shaqeyn ka dhaxeyn, isla markaana xilkii loo igmaday uu gudan waayay.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku kala qeybsanaa mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, waxaana tani ay ka dhigan tahay in Xildhibaanadii mooshinka saxiixay inay gaareen hadafkooda koowaad.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana la sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay magaalada Baydhabo u joogaan arrimo la xiriira ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan.

Lama oga xaalada siyaasadeed ee ka jirta Koofur Galbeed halka ay ku dambeyn doonto, waxaana Shariifka xilligan la sheegay inay xaalada ku xun tahay, maadaama uu wajahayo mucaarado xooggan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment