3156 Views

Sawiro:-Axmad Madoobe Oo La kulmay Xildhibaano Ka tirsan Labada Gole Ee dowladda

Sawiro:-Axmad Madoobe Oo La kulmay Xildhibaano Ka tirsan Labada Gole Ee dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 02, 2017 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland.

Kulankan wuxuu ahaa mid Madaxweynahu uu Xildhibaanada uga xog-waramayay xaaladaha deeganada Jubbaland iyo mid guud ee dalka gaar ahaan Arimaha la xiriira sidii Xildhibaanadu ay deeganadii laga soo doortay dib ugu noqon lahayeen isla markana hawlaha jira uga qayb qaadan lahayeen.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xildhibaanadu ay Jubbaland tagaan oo ay Bulshada la qaybsadaan duruufta adag ee ay ku jiraan wuxuu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in Xildhibaanadu ay ka warqabaan Bulshada ay matalaan oo ay dareenkooda la darsaan lana qaybsadaan riyooyinkooda iyo hiigsiga ay leeyahiin.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ay dhibaatada ugu badan ee deegaanka taala ay tahay Al-Shabaab oo meelaha qaar wali jooga taasna lagaga bixi karo iskaashi iyo wadajir.

“ Al-Shabaab in aan dalkeena ka xorayno oo aan Bulshadeena la qabsano xanuunka ay Argagixisadu ku hayaan waa masuuliyad ina wada saran” ayuu yiri Madaxweynahu.

Xildhibaanada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay mushaarkooda iyo wixii taakulo ah oo ay heli karaan ay kaga qayb qaatan dagaalka Al-Shabaab lagula jiro oo ay furimaha tagaan ciidamadana dhiiri galiyaan.

Xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka ayuu Madaxweynahu sheegay in uu hadba ku xiran yahay sida loo wajaho marxaladaha jira iyo in sharciga la ilaaliyo iyadoo arimaha masiiriga ahna Dowladu ay ka talo galiso Dowlad Goboleedyada.

“ Wadankeenu wuxuu kasoo kabanayaa dhibaato adag oo u baahan in tartiib tartiib aan uga soo kabano taas ayaana wanaagsan in aan wada xusuusnaano in dalkan lawada leeyahay go’aamadiisuna ay saamaynayaan cid walba oo dalkan wax ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka wadatashiga ah ee hada kasocda Muqdisho isagoo xusay in hadii shirkii Kismaayo uuna dhicin aan Xamar la isugu imaadeen ajinabina loo kala dacwoon lahaa.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Shirka Kismaayo uu soo xiray albaab furaa mudadii burburka oo Soomaalidu marka ay wax kala tabato shisheeyaha loo kala dacwoon jiray.

e1

e2

e3

e4

e5

e6

e7

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment