3660 Views

Turkiga Oo Ugu Deeqday Dowladda Soomaaliya Qoryaha nooca MPT-76

Turkiga Oo Ugu Deeqday Dowladda Soomaaliya Qoryaha nooca MPT-76
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 02, 2017 — Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya qoryo casri ah, gaar ahaan qoriga MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyadoo markii u horeysay qoryahan lagu tababari doono Ciidamada Soomaalida ee ku jira Xerada Turkiga ka furtay Muqdisho.

Sida ay baahisay Warbaahinta Turkiga 450 qori oo ah MPT-76 ayaa loogu deeqay dowladda Soomaaliya, waxaa qori casri ah oo ay Ciidamada Turkiga u adeegsadaan howl galada la xiriira la dagaalanka Argagixisada.

Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis iskaashiga dhanka difaaca iyo tababarka Ciidamada, waxaana hubkan uu qeyb ka yahay qalabeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Qoriga MPT-76 ayaa waxaa ku hubeysan ciidamada ilaaliya Madaxtooyada Turkiga, waa qori casri ah oo ay xilligan xiiseynayaan inay iibsadaan dalal uu ka mid yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiga.

Qorigan ayaa culeyskiisu yahay 4.1KG, waxaa uu wax ka dili karaa masaafo dhan 600m, waxaa uu dhirirkiisu yahay 9mm, waxaana halkii daqiiqo ka dhaca 650 xabo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment