2583 Views

Warixin :-Mareykanka Oo Shaki Gelinaya Taageerada Uu u Muujinayo Dowlada Soomaaliya

Warixin :-Mareykanka Oo Shaki Gelinaya Taageerada Uu u Muujinayo Dowlada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 02, 2017 —Laanta dabagalka gargaarka Mareykanka ee dibadda ayaa shaki ka muujisay sugnaanta gargaarka Mareykanka siiyo Soomaaliya in uu gaaro gacmaha loogu talagalay.

Waaxda la socodka Gargaarka Mareykanka ee dibadda ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo laamaha hoostaga uga digtay in waxdaas ay shaki ka qabto in gargaarka Mareykanka ee Soomaaliya uu si dadban ku gaaro Al-shabaab.

Laantaan,waxaa ay ka walaacsan tahay sababta aysan u soo laaban warbixinnada la xiriira kaalmada Mareykanka  ee Soomaaliya iyada oo aan laheyn warbixin celinta sida loo bixiyay kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya,cidda qaadatay oo aan la caddeyn iyo sababaha ay ku baxaan oo aan soo laaban.

Warbixintan oo ka kooban 34 Bog,ayaa waxaa sidoo kale kula jira Kaalmada Mareykanka ee Nigeria oo iyana la tuhmayo in ay si dadban u gaarto Boko Haram.

Laanta daba gasha gargaarka dibadda ee Mareykanka ayaa tusaale u soo qaadatay $66 Milyan oo uu mareykanka ku bixiyay Ciidanka Milatariga Soomaaliya,7dii Sano ee la soo dhaafay,taas oo aan xisaab celinteeda lahayn.

Al-shabab.

Warbixinta waxaa ay tuhmeysaa in lacagtaas qeyb ka mid ah ay si dadban ku gaartay Al-shabaab,maaddaama aan la heyn hanaanka ay ku baxday lacagtaas,sidoo kale warbixinta ayaa intaas raacisay in qeyb ka mid ah lacagtaas ay heleen 6,509 Askari oo ka mid ah Milatariga Soomaaliya.

Waaxdan waxaa kale oo ay laanta arrimaha dibadda Mareykanka ku eedeysay in lacagta Mareykanka ay siinayaan Ciidamo geysta gef ka dhan ah Xuquuqda aadanaha,taas oo uu bixinteeda mamnuucayo Sharciga Mareykanka..

Doorashada cidda lacagta la siinayo.

“bixinta kaalmo ciidan oo aan marin xeerka doorashada ee Leahy,waxaa ay sare u qaadeysaa suurtagalnimada in lacagtaas ay ku dhacdo gacanta kuwa ku adkeysta xadgudubka aadanaha”,ayaa lagu yiri Warbixintan.

Weydiimaha dhinaca sharciga ah ee arrintan la xiriira waxaa billowga warbixinta su’aal ka keenay Senatarka ka tirsan Xibsiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka Patrick Leahy,waxaana uu soo jeediyay in Waaxda arrimaha dibadda iyo Waaxda difaacaba ay caddeeyaan in cidda qaadaneysa gargaarka Mareykanka aysan geysan gef ka dhan ah xuquuqda aadana soda dilka,afduubka,Kufsiga iyo wixii la mid ah.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa baaritaankeeda sanadlaha ee Caalamka oo dhan waxaa ay Sanadkii 2016kii ku sheegtay in Ciidamada dowladda ay geystaan falal ka dhan ah aadanaha,dowladda Soomaaliyana aysan baarin kiisaska ay geystaan Ciidamada dowladda,sida Booliska,Milatariga iyo Malleeshiyaadka kale ee dowladda hoostaga.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment