2508 Views

Golaha Shacabka Oo Kulan Xasaasi ah Maanta Ku Leh Muqdisho

Golaha Shacabka Oo Kulan Xasaasi ah Maanta Ku Leh Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 04, 2017 —Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa yeelanaya kulankoodii Caadiga ahaa,waxaana maanta Xildhibaanada ay aqrinta 1aad marin doonaan Hindise sharciyeedka Tirakoobka Qaranka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka doodi doona qodobada qaar ee la xiriira heerka siyaasadeed iyo amni  ee dalka Soomaaliya,waxaana jira Xildhibaanno ku baaqaya in madaxda ugu sarreyxsa dalka ay hortagaan Golaha shacabka si wax looga weydiiyo xaaladda dalka.

Sidoo kale waxaa jira Xildhibaanno diiddan arrintaas islamarkaana qaba in dalka uu marayo meel wanaagsan islamarkaana aan loo baahneyn in hadda qal qal la geiyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Muqdisho waxaa wali ka socda shirka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada iyada oo wal ay goradda iskula jiraan adaxda Gobollada iyo kuwa dowladsa dhexe.

Xildhibaannada qaar ayaa ku doodaya in  dalka uu maanta marayo meel halis ah loona baahanyahay in lala xisaabtamo Ragga haya talada dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment