2736 Views

Madaxda Dowladda Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Oo Isku Fahmila Qodobada Shirka Qaarkood

Madaxda Dowladda Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Oo Isku Fahmila Qodobada Shirka  Qaarkood
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 04, 2017 —Sida ay sheegayaan Wararka laga helaayo Madaxtooyadda Soomaaliya shirka halkaasi kaga socda madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda Dhexe ayaa waxaa la isku Afgaran waayay qodobada qaar.

Shirkaan ayaa ah mid dhaafay waqtigii loogu tala galay in lasoo gabagabeeyo, waxaana qodobada la iskumari la’yahay ka mid ah Arrimaha dib u eegista dastuurka,habka awood qaybsiga khayraadka dalka  iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo maamulada.

Maamulada ayaa sidoo kale ku adkeysanaya in laga qeyb galaya go’aamada muhiimka ah ee Arrimaha dibadda.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa shirka ka sheegay  in kacdoon ka socda Baydhabo iyo Cadaado ay ku lug leedahay Xukuumadda, isla markaana aanay shirka sii wadi karin, inta Xukuumadda arrimahaas faraha kula jirto, waxaana natiijo kasta oo shirka ka soo baxda ay ku xireyn in Xukuumadda ay marka hore soo afjarto xiisadahaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Shirka Maanta lasoo gabagabeeyo , islamarkaana laga soo saaro qodobo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment