2460 Views

Muuse Biixi “Innagu ma nihin Xisbi Cusub, mana bood boodeyno Banaan cidlo ah”

Muuse Biixi “Innagu ma nihin Xisbi Cusub, mana bood boodeyno Banaan cidlo ah”
____________________________________________________________________________

Hargaysa  | QOL | November 04, 2017 —Waxaa wali soconaya Weerarada dhanka afka ah ee ay is weedaarsanayaan Xisbiyada u tartamaya qabashada hogaanka maamulka Somaliland.

Goobaha isku soo baxyada taageerayaasha Xisbiyada ayee madaxda saddexda Xisbi ee kala ah:- Kulmiye, Wadani iyo UCID kahor sheegayaan dhaliilo ka dhan ah dhanba dhanka kale.

Muuse Biixi Cabdi Waa Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye, isagoo boqolaal taageere u ah Xisbigiisa kahor hadlaye ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday Xisbiyada Mucaaradka.

Waxa uu sheegay in aysan aheyn Xisbi cusub oo dadka Somaliland maanta la barayo, isla markaana marba meel bood-boodayo sida xisbiyada kale sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka ayuu ka dalbaday in ay Codka Siiyaan maadaama uu sheegayo in Xisbigiisa oo kaliya uu awoodo wax u qabashada iyo dhameystiridda Howsha Haatan Qabyada ah.

Hadalka Muuse Biixi Cabdi Mushara Xisbiga ayaa imaanaya xilli 9-ceshe ay ka hartay doorashada Somaliland oo dhaceysa 13-ka bishaan, waxaana sidoo kale uu hadalkaan kahor imaanayaa amarkii Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland ee ahaa in Xisbiyada ay joojiyaan hadalada xanafta leh ee ay kahor sheegayaan Taageerayaashooda.

Dhanka kale Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xalay Xabsiga dhigay dhalinyaro ay sheegeen in ay ka dambeeyeen Rabshado ka dhacay Fagaare ku yaalla Magaalada Laas caanood oo xiligaasi khudbad uu ka jeedinaye Muuse Biixi.

Rabshadahaas waxaa ku dhaawacmay Ku dhawaad 10-qof oo taageere u ah Xisbiga Kulmiye, iyadoona mar qura goobta laga maqlay rasaasta ay is weydaarsanayaan Ciidamada amaanka iyo Kooxihii rabshadaha sameeyey.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargaysa 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment