2643 Views

Xildhibaanada Maamulka KGS Oo Mooshin Ka Wada Shariif Xasan Shiiq Aadan

Xildhibaanada Maamulka KGS Oo Mooshin Ka Wada Shariif Xasan Shiiq Aadan
____________________________________________________________________________

Baydhabo  | QOL | November 04, 2017 —Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay waxaa ka socda kulamo ay ku yeelanayaan Magaaladaasi Xildhibaano sheegay in ay Mooshin kawadaan Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Xildhibaan Cali Xasan Cismaan oo Gudoomiye u ah Xildhibaanada Mooshinka ka wada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Qaranimo  la hadlay ayaa sheegay in Xildhibaanadooda ay wadaan is uruursi ku aadan in Mooshinkoodu Meel Maro.

Xildhibaanka ayaa sheegay Mooshinkoodu yahay mid lagu saxayo Shaqada Madaxweynaha Koofur Galbeed, Maalmaha soo socda ayuu tilmaamay in Baarlamaanka ay dhex geyn doonaan Mooshinka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku eedeeyey in ku tumasho dhanka dastuurka ah iyo waxqabad la’aan uu ku sifoobay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh aadan, Taasine ay ku dhalisay Mooshinka sida sheegay.

Dhanka kale Xildhibaan Cali Xasan Cismaan ayaa beeniyey in lacag lagu siiyey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Aragtida ah lacag in lagu siiyey ayuu sheegay in ay meesha ka saareyso Shaqadooda in ay tahay Sixidda Hogaanka Maamulka.

Mooshinka ka dhanka madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa socday tan iyo Kalfadhigii hore, waxayna Xildhibaanada Mooshinka wada ay sheegeen in madaxweynaha Koofur Galbeed uu ka weecday Waxyaabihii ay u doorteen sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Baydhabo 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment