2208 Views

Ciidamada AMISOM Oo Sheegay In ay Qaadi Doonaan Howlgal Cusub

Ciidamada AMISOM Oo Sheegay In  ay Qaadi Doonaan Howlgal Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 05, 2017 —Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah.

AMISOM Waxa ay sheegtay in wax ka badal badan lagu sameyn doono sida ay hadda  u shaqeeyaan Ciidamada AMISOM.

War ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu la jaanqaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada milatariga Itoobiya ee hadda la arkay iyagoo ka gudbaya xadka Soomaaliya.

Madaxa hawlgalka AMISOM ayaa xusay in ay toddobaadyada soo socda ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqa istiraatiijiga ah, kaasi oo aan carqaladeynayn doonin bixinta adeegyada nabad-gelyada ee jira, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomaaliyeed.

Tallaabooyinkan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidamada AMISOM.

Qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017) wuxuu ku baaqayaa in xaalad ku saleysan si tartiib tartiib ah, looga saaro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ka dib tababar xoog ah iyo wacyi-gelin siinta ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment