3234 Views

Japan oo $2 Milyan oo doollar ugu deeqday ka hortagga abaaraha & Cudurrada Somaliya

Japan oo $2 Milyan oo doollar ugu deeqday ka hortagga abaaraha & Cudurrada Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 05, 2017 — Dowladda Japaan ayaa $2Milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqday dadka ay abaaraha ku saameeyeen gudaha Soomaaliya.

Lacagtan ayey dowladda Japan soo marisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO,waxaana lagu sheegay in ay tahay lacagta naf bad baadin ah.

WHO,waxaa ay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ku dhawaad 5.5 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan Cudurka Duumada loona baahanyahay in si deg deg ah wax loogu qabto.

Lacagtan ayey dowladda Japan ugu talagashay qeybta Caafimaadka deg degga ah iyo ka hortagga Cudurro ay ka mid tahay duumada oo laga baqayo in ay ka dillaacaan Soomaaliya.

Warbixinta WHO ayaa lagu sheegay in halista cudurrada laga digayo ay ku wajahan tahay dadka Barakacayaasha ah iyo kuwa kale ee danyarta ah,sidoo kalena dadka Saboolka ah ayaa halis ugu jira ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda .

Wakiilka WHO ee Soomaaliya Dr. Ghulam Popal ,ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto kheyraad yari sidoo kalena ay aad u yaryihiin Xarumaha Caafimaadka Soomaaliya.

Wakiilku waxaa uu dowladda Japan uga mahad celiyay lacagta ay ku caawisay WHO,waxaana uu xusay in Hay’adda oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay  u adeegsan doonaan ka hortagga dhimahsada xad-dhaafka ah ee hooyada iyo dhallaanka.

Billowgii Sanadkan WHO waxaa ay sheegtay in uu gaabis galay $4milayn oo doollar oo ay ugu talagashay yareynta nafaqa darrada,Cudurrada faafa iyo Abaaraha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment