3591 Views

RW Kheyre oo ka qeybgelaya shir ay qabaneyso Som Oil & Gas

RW Kheyre oo ka qeybgelaya shir ay qabaneyso Som Oil & Gas
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 05, 2017 —  Sharikadda Som Oil & Gas ayaa ku dhawaaqday in ay qabaneyso Shir looga hadlayo horumarradii ugu dambeeyay dhinaca Macdanta iyo Shidaalka ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa ku xusan in ay si rasmi ah u taageereyso Dowladda Soomaaliya,waxaa ka qeybgelaya Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.Wasaaradda Batroolka Soomaaliya,Bangiga dhexe ee Soomaaliya, AMISOM, Bangiga Adduunka ,Hay’adda lacagta Caalamka ee IMF, Dowladda Kenya iyo Hay’adaha sharciga shidaalka iyo maaliyadda ee Caalamka sida PSA iyo AFDP.

00000

Shirkan waxaa uu magaalada Nairobi ka qabsoomi doonaa 19-21ka Bisha March ee Sanadka 2018ka,waxaana furi doona Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirkan waxaa kale oo ka qeybgelaya sharikadaha Ganacsiga iyo maalgashiga,kuwaas oo iyana la siinayo waqti ay doodo ku sameeyaan inta uu socdo,waxaana ay ka doodi doonaan fursaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira waqtiga fog.

Somalia Oil & Gas,waxaa ay dhowr jeer la kulantay fadeexado dhinaca baarista shidaalka Soomaaliya ah iyo lacago la sheegay in ay siisay Wasiirradii soo maray Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya.

Sidoo kale Sharikaddan waxaa Saami gaaraya $Milyan oo doollar ku lahaa Ra’isalwasaaraah Soomaaliya Xasan Cali  Kheyre waxaana la xaqiijiyay in uu iska iibiyay saamigaas markii loo magacaabay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment