2400 Views

Maamulada Galmudug Iyo Koonfur Galbeed Oo Shuruud Hordhigay Shirka Muqdisho Ka Soconaya

Maamulada Galmudug Iyo Koonfur Galbeed Oo  Shuruud Hordhigay Shirka Muqdisho Ka Soconaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 05, 2017 —Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya Shirka dowladda Federaalka ah iyo dowlad  Goboleedyada Soomaaliya,waxaana wali la isku mari la’yahay qodobada qaar iyada oo maamullada qaarna ay la yimaadeen shuruudo adag.

Dhinaca isfaham darrida ee Shirka waxaa ka mid ah hanaanka dib u eegista Dastuurka oo la isku mari la’yahay,sidoo kale Maamul Goboleedyada ayaa ku adkeysanaya in wax laga weydiiyo go’aannada masiiriga ah sida go’aannada arrimaha dibadda.

Sidoo kale Labada Maamul ee Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa shirka hordhigay shuruud ah in marka hore Xukuumadda ay joojiso kacdoonnada siyaasadeed ee ka socda Cadaado iyo Baydhaba.

Waxaa ay soo jeediyeen in shirka uusan sii socon karin iyada oo Dowladda Federaalka ah ay  ku howllan tahay bur burinta Maamullada qaar ee shirka ka qeyb gelaya.

Shirkan oo qaatay muddo ka badan 6 Maalmood,ayaa waxaa ay dowladda Federaalka ah ku dooneysaa in  lagu soo afjaro Khilaafka Siyaasadeed ee sababay in Dowlad Goboleedyada shir gaar ah ku qabsadaan Kismaayo islamarkaana sameystaan golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale waxyaabaha Miiska saaran waxaa ka mid ah dagaalka ay dowladda ku dhawaaqday ee ka dhanka ah Al-shabaab,kaas oo inta badan la sheegayo in la isku fahmay.

Geba gebada Shirkan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro Warmurtiyeed qodobeysan oo ku saabsan waxyaabaha la isku afgartay..

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment