2586 Views

Sucuudiga Oo Xilka Qaadis iyo Xabsi isugu daray wasiirro iyo Dhaxal Sugayaal

Sucuudiga Oo Xilka Qaadis iyo Xabsi isugu daray wasiirro iyo Dhaxal Sugayaal
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 05, 2017 —Boqortooyada Sucuudiga ayaa sameysay mid ka mid ah xilka qaadista ugu madan ee ay mar sameyso sidoo kalena xirto xubnaha xilka laga qaaday.

Xilka qaadistan waxaa ay saameysay 11 Wasiir oo intooda badan la xiray iyo dhaxal sugayaal iyana xilka laga qaaday,kuwaas oo ay saameysay wareegto uu soo saaray Boqor Salmaan.

Sidoo kale Boqorka  ayaa sameeyay Guddiga la dagaallanka Musuqa waxaana uu madax uga dhigay wiilka uu isaga dhalay ee hadda ah dhaxal sugaha 1aad.

Dadka xilka laga qaaday waxaa ka mid ah madaxii Ciidamada Ilaalada,Matiib bin Cabdalla ,Wasiirka dhaqaalaha, Caadil Fakiih,sidoo kale Cabdalla Al-Suldaan oo ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ayaa lagu beddelay Fahad Al-Gafli,

Sidoo kale daraasiin ka mid ah Xubnaha boqortooyada Sucuudiga iyo Wasiirro ayaa la xir xiray iyada oo arrintan lagu eedeynayo in uu wato Dhaxalkaha 1aad ahna Wiilka uu dhalay Boqor Salmaan ee lagu magacaabo Maxamed bin Salmaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment