2868 Views

Kulan Xaasi Oo Dhaxamaray Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Iyo Xildhibaanada Aqalka sare

Kulan Xaasi Oo Dhaxamaray  Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Iyo Xildhibaanada Aqalka sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 06, 2017 —Kulankan oo ay Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesheen Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay mudane Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare BFS.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aqalka sare ay matalaan dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment