2172 Views

Kulan Xasaasi Ah Oo ay Maanta Yeelanayaan Xildhibaanada BFS

Kulan Xasaasi Ah Oo ay Maanta Yeelanayaan  Xildhibaanada BFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 06, 2017 —Xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda Caadiga ah ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulnaka maanta ayaa ajendihiisu yahay Aqrinta 2aad Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha kaas oo ay soo diyaarisay Wsaaradda Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale sida caadiga ahaydba Xildhibaaannada waxaa ay ka doodi doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyada oo sida uu horay u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxana Baarlamaanka uu kala qeybsanyahay hadda marka dhinaca siyaasadda laga fiiriyo.

Hindise sharciyeedka Kheyraadlka Biyaha ayaa horay u soo maray aqrinta 1aad,waxaa maanta la marinayaa midda 2aad iyada oo ay u dhimantahay aqrinta saddexaad waxaana kaddib ka doodaya oo cod u qaadaya Golaha shacabka.

Qodobadii ka soo baxay heshiiskii dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadii laga soo saaray in  Hinde sharciyeedyada ka soo baxaxa Golaha Wasiirrada inta aan loo gudbin golaha shacabka ay marka hore arkaan dowlad Goboleedyada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment