2535 Views

Shir Muhiim ah Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti

Shir Muhiim ah Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 06, 2017 —Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyey Booliiska Ingiriiska, waxaana ka qeyb galaya xubno ka kala socda Dowladaha Jabuuti oo marti galisay Shirka, Ingiriiska oo qaban qaabadiisa iyo Ethiopia oo loosoo xusay xeer dheernimada waxa loogu yeero argagixisada Geeska afrika.

Si lamid ah waxaa ka qeyb galaya Mas’uul ka kala socota Maamulada Somaliland iyo Puntland, kulanka waxaa daah furay Taliyaasha Booliiska Jabuuti iyo kan ingiriiska u qaabilsan geeska Afrika.

Ujeedka kulankaan ayaa ah in laga wada tashto sida looga hortagi karo weerarada suurta galka ah ee ay geysan karaan Al-Shabaab iyo ururada kale ee Geeska afrika ka dagaalama.

Saraakiisha booliiska Ingiriiska ee qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada oo bixinaya casho ku saabsan sida looga hortagi karo weerarada argagixisada ay sharaxaad dheeraad ah ka bixinaya inta uu kulanka socda sida baaritaanada loo sameyn karo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment