3048 Views

Soomaali ku xiran xiran Xabsiyada Thailand

Soomaali ku xiran xiran Xabsiyada Thailand
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 06, 2017 —Hay’adaha Xuquuqda aadanaha ee Caalamiga ah ayaa dowladda Thailand ka dalbaday in ay sii deyso 35 Qof oo Soomaali iyo Pakistaaniyiin ah,kuwaas oo ku jira Xabsiyada dalka Thailand.

Dadkan Magangalyo doonka ah ayaa lagu qabtay howlgallo ay fuliyeen Ciidamada dowladda kuwaas oo ka dhacay xaafadaha ay dadkaasi ku sugnaayeen,waxaana howlgalkaas la qaaday 21,30 iyo 31dii October iyada oo lagu xir xiray 35 Qof.

Dadka xir xiran waxaa ka mid ah 19 Carruur ah,Haween iyo Rag,waxaana Dadka ku jira Xabsiga dhexe ee Bankok ka mid ah 4,Carruur Soomaali ah oo aanay jirin cid la socota.

Amy Smith, oo ah Agaasimaha Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Fortify Rights  ,ayaa dowladda Thailand ka dalbaday in ay dadkaas sida ugu dhaqsiyaha badan ku siideyso.

Waxaa uu sheegay in Magangelyo doonka ku xiran Thailand ay heystaan warqadaha Qaxootinimo ee ay bixiso Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Thailand waxaa ay UNHCR u oggolaatay in ay ku dhex shaqeyso dalkeeda iyada oo Thailand geyn karta 7,000 oo Qaxooti ah,wixii ka badanna aysan aqbaleyn.

Thailand waxaa ay inta badan dafirtaa Warqadaha Qaxootinimo ee ay bixiso UNHCR,waxaana dalkaas ku sugan Qaxooti magangalyo doon ah oo ka socda dalal kor u dhaafaya 50 Waddan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment