3003 Views

Wasiirkii Hore Ee H.guud Iyo Guriyeynta Oo Sheegay In Uu Ka Badbaaday Isku day Dil

Wasiirkii Hore Ee H.guud Iyo Guriyeynta Oo Sheegay In Uu Ka Badbaaday Isku day Dil
____________________________________________________________________________

Baydhabo  | QOL | November 06, 2017 —Wasiirkii hore ee Wasaaradda howlagaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya Eng,Saalax Sheekh Cismaan ayaa sheegay in uu shalay ka bad baaday isku day dil oo uu la damacsanaa Wasiirka Amniga gudaha Koofur Galbeed sidoo kalena ah ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

War-saxaafadeed uu Wasiirka ku qoray Facebook-ggiisa ayaa u qornaa sidan;

Maalmihii la soo dhaafay waxaa hawlo shaqo ku joogay Magaalada Baydhabo, ujeedada aan halkaan u imid ayaa ku saabsaneyd sidii aan ugu adeegi lahaa shacbigayga K/Galbeed, saacadihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo iyo hareeraheeda ka da’ayay Roobab mahiigaan ah, damiir ahaan waxaan goostay sidii aan Gargaar ugu fidin lahaa dadka ay waxyeelada ka soo gaartey Roobabkaasi.

Kaalmadii aan ugu tala galay inaan gaarsiiyo shacbiga reer Baydhabo waxaa maanta iga hor istaagay Wasiirka Amniga oo haatan ah ku magaacaban ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed Xasan Eelaay, ninkaasi ayaa ciidamo daacad u ah waxa uu ku amaray inay i Khaarijiyaan, Dilkayga ayaa la qorsheeyay in lagu soo beego waqtiga aan qeybinayo kaalmada aan u sido dadka masaakiinta ah.

Xasan Eelaay ayaa askartiisa farey inay dharka Ciidamada iska dhigaan marka ay duulaanka sameynayaan si loo yiraahdo Wasiir Saalax Sheikh Cusmaan waxaa Dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, falkaan guracan ayaa ah mid ka soo horjeedo Dastuurka iyo Xuquuq Insaanka, Anigoo ka xun arintaasi ayaa ummadda Soomaliyeed waxaan u caddeynayaa inaan Sharciga iyo Maxkamadaha la tiigsan doono.

Dulmi aan geed loogu soo ganban ayuu igula kacay Xasan Eelaay, waxaa nasiib daro ah inuu Aniga kaligey i soo bar tilmaameedsado, Siyaasiyiin badan oo aan la dhacsaneyn Maamulka K/Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, siyaasiyiintaasi ayaa looga baqayaa Qabiiladooda oo ku Hubaysan Magaalada Gudaheeda.

Kaalmadii uu ninkaasi hor istaagay ayaa mar kale haddii uu Alle idmo waxaa Berri la gaarsiin doona shacbigii aan ugu talagalay, marnaba ma dhaceyso inay i baqdin galiso falkaasi Waxashnimada ah.

Sharaf ayay ii tahay inaan u Geeriyoodo Anigoo u adeegayo dadkayga dhibaateysan, adduunka aan maanta ku nool nahay waa ka dhamaadey Kali Talisnimo, suurtagalna ma aha in shacabka K/Galbeed lagu dul hayo Nidaam aaney dooneynin, Isbadal waa inuu dhacaa si horumar loo gaarsiiyo ummadda ku nool deeganada K/Galbeed.

 

MAHADSANIDIIN

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment