2658 Views

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo sheegtay in aanan Waxba laga siin Deeqdii waxbarasho ee Masar.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo sheegtay in aanan Waxba laga siin Deeqdii waxbarasho ee Masar.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 8  November 2017 –Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Puntland waxa ay ku sheegtay in ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federaalka ay jabisay heshiiska saami qeybsiga deeqaha waxbarashada ee dowladda federaalka hesho.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in 6-dii bishaan Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya ay sagootisay arday deeq waxbarasho looga helay Masar, Waxayna wasaaraddu ku eedeysay in aanan loo bixin ardaydaas nidaamka qeybsiga deeqaha.

Waxaa kaloo warsaxaafadeedka wasaaradda waxbarashada Puntland lagu sheegay in deeqdaas ay aheyd mid kawada dhaxeysa Soomaalida, sidaa awgeedne aanan loo qeybin Nidaamka Federaalka, isla markaana in ay cadeynayaan in uusan ardaydaas kamid aheyn arday ka socda Puntland.

“Waxaan xasuusinaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in heshiiskii ay labada Wasaaradood ku saxiixdeen Garowe 05/07/2017 uu dhigayay: in qaybinta deeqaha waxbarasho lagu saleeyo tirada ardayda gashay imtixaanka Dugsiga Sare ee sanad dugsiyeedkaas, iyo in deeqaha waxbarasho ee sida gaarka ah Puntland u hesho ay Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalku aqbasho kuna taageerto” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment