2448 Views

4 Qof oo Somali Mareykan ah oo ku soo baxay doorashooyinka Mareykanka

4 Qof oo Somali Mareykan ah oo ku soo baxay doorashooyinka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09  November 2017 – Qof oo Soomaali Mareykan ah ayaa ku guuleystay doorashooyinka Dowladaha hoose,Guddiyada waxbarashada iyo maamulka Degmooyinka Gobollada kala duwan ee Dalka Mareykanka kaddib doorashadii dhacday 7dii November.

Cabdi Warsame waxaa uu si dirqi ah uga badiyay Maxamuud Nuur,waxaana Cabdi uu helay 50%  Cod,halka Maxamuud helay 47%  Cod,Cabdi waxaa uu difaacanayay kursiga xaafadda 6aad ee Magaalada Minneapolis.

Isla Magaalada Minneapolis, C/Qaadir Xasan ayaa ku guuleystay Kursiga loogu tartamayay Meelaha Gawaarida la dhigto iyo Derjiinyoonka Xaafada magaalada.

Magaalada Hopkins oo ku taalla Galbeedka Minneapolis ,waxaa kursiga guddiga waxbarashada ku guuleysatay Fartuun Axmed oo Soomaali Amerikaan ah,guushaas waxaa ay xaqiijisay kaddib markii saddex xubnood oo guddiga waxbarashada magaalada ah shaqada ka fariisteen kuna dhawaaqeen in aysan tartameyn.

Qofka 4aad ee Soomaaliga ah kuna soo baxay doorashada dowlaha hoos ee Mareykanka waa Zak Idan oo ka tartamay kursiga Golaha degaanka Washington,waxaana uu ku guuleystay kaddib markii Ninkii kursigaas ku fadhiyay 36kii Sano ee la soo dhaafay uu ka haray tartanka.

Dhinaca kale Lix Qof oo Soomaali ah kana mid ahaa musharrxiinta u tartamayay doorashooyinka dowladaha hoose iyo Golaha degaanka Mareykanka ayaa ku guuldarreystay in ay soo baxaan,waxaana Soomaalida Sanadkan la tilmaamay inmmarkii ugu horreysay ay tirada ugu badan ka tartameen gudaha Mareykanka

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment