2598 Views

Al-Shabaab oo la sheegay in gaadiidkii AMISOM ka qabsadeen ku soo weerarayaan Garoonka Muqdisho iyo Xalane.

Al-Shabaab oo la sheegay in gaadiidkii AMISOM ka qabsadeen ku soo weerarayaan Garoonka Muqdisho iyo Xalane.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09 November 2017 – Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Xarunta ugu weyn Taliska Ciidamada AMISOM ee Xalane Shirkadaha Ganacsi iyo Xaafadaha ku ag-yaala Garoonka ayaa maanta waxaa ka taagan Xaalad Cabsi ah kadib markii Maamulka Garoonka lala wadaagay Xog laga helay Hay’adaha Sirdoonka Qaranka iyo kuwa Ajnabiga ah ee Dalka oo ku saabsan In Al-Shabaab ay weerar ku soo yihiin Garoonka.

Warbixinada la helay ayaa sheegaya In dagaalamayaasha Al-Shabaab oo adeegsanaya Gaadiid aan Xabadda Karin oo ay ka qabsadeyn Ciidamada AMISOM oo laga soo buuxiyay Qaraxyo ay weerar ku soo yihiin Garoonka Muqdisho ama Xarunta Xalane.

Sidoo kale Hay’adaha Sirdoonka Dalka iyo Kuwa kale ee Ajniga ah ayaa sheegaya in weerarkaas laga Cabsi qabo in ay ka qeyb qaataan Shaqaalaha aan rasmiga aheyn ee ka ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Qoraal Bahiyaha Qaranimo Online  ayaa heshay Xog sheegeysa in Maanta la fasaxay ugu yaraan 750 oo ka mid ah Shaqaalaha KMG ah ee Garoonka Diyaaradaha sidoo kale waxaa la fasaxay Boqolaal ka mid ah Shaqaalaha Xarunta Xalane oo isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali Sababo dhinaca Amniga.

Shabakada Qaranimo Online  ayaa ogaatay in maalin ka hor Maareeyaasha Garoonka Muqdisho iyo Agaasimayaasha iyo Madax waaxeedyada Garoonka loo sheegay in Garoonka ama Xarunta xalane ay ku soo wajahan yihiin Al-Shabaab oo wata Gaadiidkii AMISOM ay qabsadeyn dagaalo Dalka ka dhacay lagana Cabsi qabo in toogasho toos ah ay ka dhacdo garoonka ama Xalane.

Sidoo kale Maareeyaasha Garoonka ayaa loo sheegay in hay’adaha Sirdoonka ay ka cabsi qabaan in Toogashada ay ka qeyb qaataan qaar ka mid ah Shaqaalaha KMG ah ee Garoonka sidaas darteedna La faso 3 maalmood ilaa 5 maalmood si loo Baaro Guud ahaan Garoonka.

Hay’adaha sirdoonka ee warkaan la wadaagay Madaxda Airport-ka Aadan Cadde ayaa u sheegay in dadka laga shakisan yahay ee ka tirsan Shaqaalaha KMG ah ay gaarayaan 15-20 ruux daba-galna uu ku socdo

Dhowr qof oo ka mid ah Shaqaalaha KMG ah ee la fasaxay mudada dhowrka Maalmood ah oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyay in la fasaxay mudo dhowr maalmood ah sidoo kale Shaqaalaha Rasmiga ee heysta Aqoonsiyada Dowladda ee aan Fasaxa Saameynin ayaa KNN u sheegay in saakay baaritaano xoog leh uu ka socda Xafiisyada Garoonka baaritaanada waxaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan Eeyaha sida gaarka ah u tababaran.

Qof ka mid ah Shaqaalaha KMG ah ee Garoonka Muqdisho oo la hadlay Qaranimo Online ayaa Sheegay in lagu wargiliyay muddo dhowr maalmood ah in laga Fasaxay Shaqada.

Wararka la helay ayaa sidoo kale sheegayaa  in la dhimay Tirada Shaqaalaha ee Xafiisyada qaar sidoo kale waxaa la yareeyay Gaadiidka ka dhax shaqeeya Garoonka, Xafiisyada qaar oo la sheegay in ay markii hore ay ka shaqeyn jireyn 7-10 qof hada lagu soo koobay 3-5 qof.

Duulimaadka garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa Caadi u socota waxaana la sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan Cabsi ka taagan Garoonka iyo Guud ahaan Muqdisho.

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan Muwaadiniinteeda ku amartay in ay dalka Soomaaliya ka soobaxaan sidoo kale kuwa Muhiimka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayay uga digtayn in ay dhaq dhaqaaq sameeyaan.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment