2700 Views

Hay’adda qabanqaabineysa shirka kheyraadka Soomaaliya oo ka jawaabtay eeddii wasiirka Batroolka

Hay’adda qabanqaabineysa shirka kheyraadka Soomaaliya oo ka jawaabtay eeddii wasiirka Batroolka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09  November 2017 – Sharikadda IRN International Research Network oo ah midda qabaneysa Shirka looga hadlayo kheyraadka iyo shidaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in aysan la socon shirkaas.

War ay soo saartay Sharikadda IRN ee qabaneysa Shirka Somalia Oil iyo Gaas ee Bisha March ka dhacaya Nairobi Kenya ayaa sheegtay in qabashada shirkaas ay fasax uga heysato Dowladda Soomaaliya islamarkaana warqadda oggolaanshaha qabashada shirkaas ay heleen19-kii September.

Markii Warbaahintu qortay in Shirka Kheyraadka Soomaaliya uu 19-21-ka Bisha March ee 2018-ka ka dhacayo Magaalada Nairobi laguna casuumay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Batroolka ayaa warqad ka soo baxday Wasiirku waxaa uu ku sheegay in aysan jirin shir lagu casuumay oo looga hadlayo kheyraadka Soomaaliya.

International Research Network  waxaa kale oo ay ka hadleen khibaradooda, iyaga oo sheegaya in 6-dii sano ee la soo dhaafay ay shirar noocaan u qabteen shirkado iyo dalal badan, gaar ahaan arrimaha la xiriira shidaalka, shirarkaasi ay qaban-qaabiyeen oo inta badan carabta u badnaa Soomaaliya waxaa ay ku aheyd  marti.

Shirkadda waxaa ay soo dhaweynsay warqadda ay dowladda federaalka ah ka heleen September 19 taas oo ay sheegayaan in ay ku dhiirigelisay in ay horay u sii wadaan qaban-qaabada shirka, shirkan oo kuwa la mid ah lagu qabtay London 2013, 2014 iyo shirkii ugu dambeeyay ee London.

Shirakkada International Research Network  qaban-qaabineysa shirkaa shirka Somalia Oil, Gas and Mining ee Nairobi loo balansan yahay March 2018-ka waxaa ay hadalkeeda ku soo gabagabeeyay in ay xiriir iyo wada hadal u socdo dowladda federaalka iyada oo ku rajo-weyn in shirka qabsoomid-doono.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment