3054 Views

Sawiro:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku noqday Baydhabo

Sawiro:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed  oo ku noqday Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09  November 2017 –  Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa cadaadis xooggan wuxuu kala kulmayaa mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka K/galbeed, kadib markii qaarkood ay ka keeneen mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaado.

Waxa uu Shariif Xasan sheegay in aan loo baahneyn qalalaasye iyo sidoo kale in la dumiyo maamulka K/galbeed, isaga oo ku baaqay xasilooni siyaasadeed.

Qaar kamid ah xildhibaannada mooshinka ka wada Madaxweyne Shariif Xasan oo kulan yeeshay ayaa waxay sheegeen in dhowaan ay guddoonka baarlamaanka u gudbin doonaan mooshinka.

Ugu dambeyntii, Guud ahaan magaalada Baydhabo waxaa aad looga hadlay hayaa xaaladda siyaasadeed eek a taagan magaaladaasi.

m1 m2 m3 m4 m5

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment