2430 Views

Xukuumada Soomaaliya Oo Digniin u Jeedisay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM

Xukuumada Soomaaliya Oo Digniin u Jeedisay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09   November 2017Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM uga digtay in ay ku dhaqaaqaan Askareynta Carruurta ay da’doodu ka yartahay 18-jirka iyo sidoo kale in ay dhaqan boob ah ula tagaan dadka shacabka ah ee deggan Goobaha ay ka saaraan Al-shabaab inta uu socdo howlgalka ka dhanka ah Ururkaas.

Prof. Sokor Jaamac Geyre agaasimaha Wasaaraddaas ayaa u sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM laga doonayo in ay ilaaliyaan hannaanka ay dowladdu ugu talagashay in lagula dagaallamo Al-shabaab.

“Waxaa Khatar badan oo dhanka Mustaqbalka Soomaaliya ah ay ka dhalan kartaa Askareynta Ubadka ka yar 18-jirrada ee goobaha ay ciidanka DFS gaaraan, sidoo kale waxaa khatar badan ay ka dhalan kartaa in ciidanku boob u geystaan dadka ay ugu tagaan goobaha Cadawga laga sifeynayo” ayuu yiri Sokor.

Haddii ay dhacdo in labadaas Arrin ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka fogaadaan ayuu sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu Noqon doono Mid guuleysta oo mara waddadii ay madaxda dalku ugu talagaleen. 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment