2325 Views

DF Oo Kahadashay Howlagaladii Ugu Danbeeyey Ee Dalka Ka Dhacay

DF Oo Kahadashay Howlagaladii Ugu Danbeeyey Ee Dalka Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11  November 2017 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallda ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Wasiir Yariisow ayaa xusay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, ayna jiraan qasaaro loo geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.

“Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay qasaaro xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya ayaa markale uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida, isagoo ku booriyay inay sii labo jibaaraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment