2400 Views

Kulan Muhiim ah Oo Ka Dhacay Cadaado

Kulan Muhiim ah Oo Ka Dhacay Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11  November 2017 –Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Cadaado halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiah ayaa SONNA u sheegay in ujeeddada socdaalka wafdiga Wasiirka ay la xiriirto u kuurgalidda xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan deegaanada Galmudug iyo sidii loo qiimeyn lahaa.

Wasiir ku xigeenka Difaaca Soomaaliya oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa markii ay tageen magaalada Cadaado waxaa uu booqday Xerada 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka halkasi oo uu kula kulmay saraakisha iyo ciidamadooda.

Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada oo uga waramay xaaladda guud ee ciidamada qeybtood 21-aad ay kusugan yihiiniyo baahoyaha ay qabaan.

Mudane Cabdullaahi Colaad Roobel ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay naftoodi ugu hureen difaaca Dalka iyo dagaalka lagula jiro cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso tayeynta ciidamada iyo daryeelkooda,wuxuuna intaasi ku daray in loo diyaar garoobayo sidii dalka looga sifeyn lahaa maleeshiyada Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment