2499 Views

Mareykanka oo ka digay faragalin Lubnaan lagu sameeyo

Mareykanka oo ka digay faragalin Lubnaan lagu sameeyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11  November 2017 –Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa uga digay dalalka dariska la ah Lubnaan inaysan colaad ka hurin Lubnaan, kadib markii xiisad ay ka dhalatay iscasilaadii ra’iisal wasaarihii Lubnaan, Sacad Alxariiri.

Mr Tillerson ayaa sheegay in maleeshiyaadka kooxaha hubeysan ee shisheeye aysan gudaha Lubnaan uga furneyn dowr faragalineed oo sharci ah, isaga oo hadalkaasi uga dan lahaa xulafada Lubnaan ee, iyo kooxda hubeysan ee Shiicada ah ee Xisbulaah.

Ra’iisal wasaare Xariiri ayaa six un u dhalleeceeyay labadaba kaddib markii uu uga dhawaaqay inuu iscasilay Sacudi Carabiya.

Xisbulaah ayaa sheegeysa in Sacudi Carabiya ay xirtay Mr Xariiri ayna ku qasabtay inuu iscasilo. Basle Mr Tillersio ayaa sheegay in loo xaqiijiyay in Mr Xariiri aanan la xirin Marakankuna uu taagersan yahay dowlada madaxbanaan oo ah Lubnaan.

Xogahayana guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa ka digay colaad hor leh oo ka dhalata Lubnaan ay cawaaqib xun ka dhalan doonto.

Xigasho BBC

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment