2655 Views

R.Wasaare Kheyre Oo Maanta la kulmi doona Safiiradda Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya

R.Wasaare Kheyre Oo Maanta la kulmi doona Safiiradda Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11  November 2017 –Xukumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta uu Xafiiskiisa ku qaabilo Safiiradda Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya,waxaana uu kala hadli doonaa Ammaanka Dalka iyo sida Shabaab looga saari doono Qeybaha ay ka joogaa Soomaaliya.

Sidoo kale Shirkaan u dhexeeya Safiiradda Wadamada Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu hor-dhac u yahay Shir looga hadlayo Ammaanka Guud ee Dalka Soomaaliya islamarkaana 4 December lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Dalka ay ka saari doonto Al-shabaab,waxaana Madaxda Dowladda ay sheegeen in Dagaal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Shacabkeeda ay qaadi doonaan si Shabaab looga xoreeyo Guud ahaan qeybaha ay ka joogaan Dalka.

Al-shabaab oo Weeraro Qaraxyo ah isla markaana markasta Galaafta Nolosha Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan ka geysta Magaalada Muqdishoo iyo qaar kamida Gobolada Dalka ayaa Maamula Gobolka Jubbada Dhexe iyo Degmooyin kale oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment